Friday, May 17, 2024

Dowladda Soomaaliya oo War cusub kasoo saartay Qasaaraha Qarixii Muqdisho [Akhriso]

Dowladda Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay qasaaraha ka dhashay Qaraxii weynaa ee Sabtidii 14-ka Oktoobar ka dhacay amgaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Xukuumadda Soomaaliya Mudane Abdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambeysay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Somalia Blast Toll at 237 as Residents Protest Al-Shabab

Ad

Wasiirka ayaa sheegay inay korortay Tirada dhimashada isagoona sheegay inay hada mareyso 281, halka dhaawaca ku dhawaad uu marayo 300, Wuxuuna sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay bixisay lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu caawinayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowlada Qatar ay diyaarad u soo dirtay Magaalada Muqdisho, taas oo lagu qaadi doono Dhaawacyada culus, iyadoo la geyn doono dalka Suudaan halkaas oo lagu daweyn doono, waxaana dhaqaalaha ku baxaya bixinaya dowlada Qatar.

Qasaaraha qaraxa ayaa la garsiiyay 302 sida laga soo xigtay madaxa Aamin Ambulance ee Muqdisho, waxaana laga cabsi qabaa inay intaasi kasii kordhaan, marka lagu daro dadka maqan iyo kuwa weli laga helayo burburka qaraxa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON