Friday, May 17, 2024

Doorashada Aqalka hoose ee Puntland oo bilaabaneysa [Beelaha dooranaya 12 kursi ee ugu horeysa]

Doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka bilaabanaya Maamulka Puntland, sida uu shaaciyay Guddooomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Maamulka Puntland Khaliif Aw-Cali.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland ayaa sheegay  inay bilaabayaan doorashada qeybtii ugu horeysay xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka oo ka kooban 12 kursi oo ay tartami doonaan 8 beelood.

Ergada dooraneysa xildhibaanada ayaa la sheegay in la xareyn doono 2-4 bisha November, oo la siin doono wacyi gelin, isla markaana la siin doono aqoonsi, kadibna ay doorashadu dhici doonto labada maalmood ee 5-6 November sida qorshuhu yahay.

Ad

12-ka kursi ee ugu horeeya waxaa dooran doona  612 ergo, waxayna beelaha iyo xildhibaanada la dooranayo ay kala yihiin:

 
DOORSHADA XILDHIBAANADA AQALKA HOOSE EE PUNTLAND
Warsangeli: 4
Dashiishe: 2
Cali Jabraaiil: 1
Sawaaqroon: 1
Cali saleebaan: 1
Ciise Maxamuud: 1
Yibro: 1
Madhibaan: 1

 

GOOBJOOGE.COM

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON