Tuesday, May 21, 2024

DEGDEG: Markab ay leedahay Iiraan oo lagu Qarxiyey agagaarka magaalada Jiddah & Wararkii ugu danbeeyay…

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Markab shidaal oo dalka Iiraan leeyahay lagu qarxiyey Badda Cas meel u dhow Dekadda magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudiga, una jirta 60 Mayl (90 KM).

Markabkan oo shidaal badan siday ayaa Dab xoog leh qabsaday, taasoo dhalisay in saliid badan ay ka daadaneyso, waxaana wakaalada wararka Iiraan ay shaacisay in shaqaalaha la socda Markabka ay aamisan yihiin inuu qaraxa ka dhashay fal argagixiso, iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in laba Gantaal lala helay Markabka shidaalka ee Iiraan, kuwaasoo laga soo riday dhinaca Sacuudiga.

Waxaa socda qiimeynta dhibaatada gaartay Markabka oo saliid badan siday, waxaana falkan uga sii dari doonaa xaaladda amniga ee Khaliijka, iyadoo ay horeba u jirtay xiisad ka dhex oogan dalalka Sacuudiga iyo Iiraan.

Ad

WARARKII UGU DANBEEYAY

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON