Friday, May 17, 2024

Damaanad iyo shaqaale cusub oo dib loogu howlgeliyay Hotelka Central ee Muqdisho

Hotelka Central ee  20-kii Febraayo qaraxayadu ka dhaceen ayna ku dhinteen dad fara badan oo isugu jira mas’uuliyiin, ciidamo iyo shaqaale ayaa maanta dib loo furay kadib markii uu xirnaa muddo saddex toddobaad oo  dayactir lagu waday.

Hotelka oo uu leeyahay milkiile Axmed Ismaaciil Xuseen oo ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaqaale cusub loo qoray iyadoo hay’adaha ammaanka  laga diiwaan geliyay mid kastana qof wakiil ka ah oo la yaqaan lagu qoray, waana qorshe cusub oo hay’adaha ammaanka u dejiyeen hoteelada Muqdisho. Xaflad kooban oo lagu maamuusay dib u howlgelinta hotelka oo ka dhacday isla hotelka  ayay kasoo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Siyaasiyiin, maamulka Hoteelka iyo marti sharaf kala duwan.

Maamulaha Hotelka Axmed Ismaaciil Xuseen ayaa sheegay in dib u fureen Hoteelk, kuna soo kordhiyeen qalab lagu adkeynaayo amniga Hoteelka iyo dadka imaanaya intaba, isla markaana isbedel lagu sameeyay shaqaalaha Hotelka ka shaqeynaya.

Ad

[ad name=”HTML-4″]

Noloshu way socotaa iyadoo dadku ka go’an tahay inay waxyeelooyinka gaara ay dib u kabaan siina wadaan ganacsigooda. Hoteelada waxay ka mid yihiin ganacsiga ugu socodka badan ee Muqdisho, waxaana macaamiishooda koowaad ay yihiin madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta.

???????????????????????????????

- Advertisement -

[ad name=”HTML-2″]

???????????????????????????????

???????????????????????????????

Goobjooge.com

- Advertisement -

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON