Saturday, May 18, 2024

Dagaal Beeleed ka socda Gobolka Hiiraan oo sii xoogeystay (Qasaaraha iyo degaano la gubay…)

Waxaa sii xoogeystay dagaal beeleed ka taagnaa Gobolka Hiiraan, gaar ahaan degaanka Kabxanley ee duleedka magaalada Beledweyne.

Dagaalka oo u dhaxeeya laba beelood ayaa dib u soo laba kacleeyay markii bishii hore la dilay ilaa Dad beeraley ahaa, waxaana maalmo kadib dib u qarxay dagaalkaasi, isagoo xooggiisa dhacay Axadii iyo Isniintii shalay.

Qasaaraha dagaalku geystay ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan, waxaana lagu gubay tuulooyin, Beero iyo guryo, iyadoo dhimashada iyo dhaawaca dagaaladii ugu danbeeyay ay kor u dhaafeen 10 qof.

Ad

Baaqyo lagu dalbanayo in dagaal beeleedka ka socda Gobolka Hiiraan lagu joojiyo ayaa kasoo baxay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Muqtaar Xuseen Afrax iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka ayaa ka dalbaday Duubabka, Odayaasha dhaqanka, Culimaa’udiinka iyo Guud ahaan Waxgaradka Deegaanka in ay u kacaan joojinta dagaalka iyo dhiigga dadka walaalaha ee ku daadanaya Deegaanka Kabxanleey.

Dagaal

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON