Sunday, May 5, 2024

Hoggaamiyihii Jabhadda Panjshir oo qirtay inay Daalibaan qabsadeen xaruntiisii iyo Qeylo-dhaan uu diray

Hoggaamiyaha Jabhadda Iska caabinta ee kasoo horjeeday Daalibaan, xarunteeduna ahayd Gobolka Panjshir, Axmed Mascuud, ayaa qiray in laga qabsaday xaruntiisii, lagana dilay saraakiil iyo xubno ka mida qoyskiisa.

Farriin cod ah oo uu duubay ayuu ku qiray in dhammaan Afghanistan ay gacanta u gashay Daalibaan, isla markaana ay diideen waanwaantii Culimada dalka Afghanistan, isagoo qirtay in l adilay saraakiishii sare ee ciidamadiisa iyo qaar ka mida qoyskiisa.

Wuxuu ku adkeystay in iska caabinta Daalibaan ayuu sheegay inay ka socon doonto Gobolka Panjshir, wuxuuna dadka Afghanistan ugu baaqay inay isugu soo baxaan bannaanbaxyo looga soo horjeedo Daalibaan dhammaan gobollada Afghanistan.

Ad

“Xubno ka tirsan qoyskayga ayaa lagu dilay weerarkii Daaliban ee shalay… Daalibaanku waxay keenaan dad aan la aqoon si ay u laayaan dadka reer Afghanistaan”. ayuu ku yiri farriintiisa codka, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inaysan aqoonsan Daalibaan.

Dhaqdhaqaaqa National Resistance Front ee uu hoggaamiyo Ahmed Masoud ayaa bartooda Twitter -ka ku sheegtay inay maamusho “goobo istiraatiiji ah” oo ku yaal dooxada Panjshir, waxayna intaas ku dartay “halganka ka dhanka ah Daaliban iyo ay sii wadi doonaan.

Daalibaan ayaa Axaddii qabsaday dhammaan Dooxada Panjshir, wxayna wararku sheegayaan in buuraha qaarjood ay u firxadeen xubno uu ka mid yahay hoggaamiyihii Jabhadda Axmed Masoud iyo xubno kale.

- Advertisement -

Lama oga halka uu ku sugan yahay Ahmed Masoud, waxayna warar ku dhow Alshabaab sheegeen inuu u baxsaday dalka Turkiga, halka madaxweyne ku xigeenkii hore oo la joogay uu isna u cararay dalka Tajakistan.

Dooxada Panjshir, oo ay ku hareereysan yihiin buuro dhaadheer oo baraf daboolay ayaa ah goob ku wanasgan is difaaca, ayna ku dhuuman karaan dagaalyahannada, waxayna muddo dheer ahayd meel aan la geli karin, ka hor Daalibaan oo qabsatay 5-tii bishan Ogost 2021.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON