20 qof ayaa ku geeriyootay 29 kalena waa ku dhaawacmeen shil culus oo ka dhacay dalka Sacuudiga, kadib markii Bas siday dad u socda inay Cumreystaan uu galay Shil qasaare badan dhaliyay.
Baska siday dadka ku socday Magaalada Barakaysan ee Makka, ayaa waxa uu ku dhacay gidaarka Buundada Gobolka Casiir ee Sacuudiga, waxaana dhacday inuu qalibmo Baska, kadibna Dab xoog leh uu qabsaday.
Warbaahinta Sacuudiga ayaa baahisay Baska shilka galay oo holcaya, waxaana weli la baarayaa sababta shilka oo warar hordhac ah sheegeen inuu xumaaday Matoorkii Gaariga oo xowli ku socday.
Dadka shilka ku geeriyooday ayaa laga cabsi qabaa inay kordhaan, waxayna dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay u kala dhasheen Sacuudiga iyo dalal kale oo ajnabi ah, kuwaas oo aan weli la shaacin magacyadodoa iyo dalalka ay kasoo jeedaan.
