Saturday, May 4, 2024

Dowladda Somaliya oo la wareegtay Gaadiid Turkigu ugu deeqay Ciidamada Gorgor

Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga kala wareegtay Gaadiid loogu talogalay ciidamada Xoogga Dalka oo laga so dejiyay dekadda Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Gaadiidkan kala wareegay safiirka Turkiga u fadhiya Soomalaiya, wuxuuna shega in loogu tala galey in lagu tayeeyo Ciidamada Xooga gaar ahaan kuwa GorGor ee Turkigu tabbaray.

“Waxaan maanta dekada Muqdisho kula wareegey gaadiid ay noogu deeqdey Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga, Waxaan u mahad celinaayaa Shacabka iyo Dowlada Turkiga oo hiil iyo hooba la garab taagan xaalad kasta walaalahooda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Ad

Gaadiidka oo ah Nooca Toyota Landcruiser ayaa tiradoodu gaarrysaa 10 Gaari, waxayna qeyb ka yihiin taageerada milateri ee Turkigu siiyo dowladda Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON