Saturday, May 18, 2024

Cudurka Coronavirus oo ku dhacay Askari Mareykan ah, kuna sii faafaya dalalka Italy, South Korea & Iiran

Iyadoo uu dunida kusii faafayo cudurka COVID-19 ee uu keeno Coronavirus ayaa dalka Koonfurta Kuuriya wuxuu noqday dalka labaad ee ay ku nool yihiin tirada ugu badan dadka sida cudurkaasi.

South Korea ayaa maanta ku dhawaaqday inuu qofkii 11-aad dalkaasi ugu dhintay cudurka Coronavirus, waxaana gudaha dalkaasi dadka qaba ay gaareen 1,146 qof, kadib 169 xaaladood oo shalay laga helay dad kala duwan, dadka cudurka qaba waxay intooda badan ku nool yihiin magaalada Daegu.

Dhinaca kale Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa shaacisay in askarigii ugu horeeyay oo ka tirsan ciidamadeeda laga helay cudurka, kaasoo ku sugan dalka South Korea, iyadoo la qaaday tallaabo lagula tacaalayo.

Ad

Askariga Mareykanka ee cudurkaani ku dhacay ayaa la sheegay inuu yahay 23- sano jir, isagoo ka mida askarta Mareykanka ee ku sugan dalka South Korea oo tiradoodu gaareyso 28,500 askari.

Talyaanigu ayuu fara ba’an ku haya cudurkan, wuxuuna noqday dalka ugu horeeya Yurub ee uu cudurkan ku faafayo waxaan ilaa iyo hadda laga helay 322 qof, iyadoo ay u dhinteen 11 qof. Magaalooyinka waqooyiga dalkaasi ayaa gebi ahaan la xiray oo dadka loo diiday inay galaan ama ka baxaan.

Iran oo iyaduna ah dalka ugu weyn ee uu bariga Dhexe sida xun ugu faafayo ayaa dhmashada waxay gaartay 15, iyadoo uu soo ritay 95 qof, dad ka tegay Iiraan ayaa cudurkaasi gaarsiiyey dalalka Kuwait, Lubnan, Baxreyn iyo Ciraaq.

- Advertisement -

Wasaaradda Caafimaadka Mareykanka ayaa shaacisay inaysan su’aal ka taagneyn inuu cudurkaasi soo gaarayo, balse la is weydiinayo xilliga uu soo gaari doono.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON