Ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin ay uga cabanayaan canshuur lagu soo rogay iibka, iyagoo ku biiray ganacsatada magaalada Gaalkacyo oo shaqo joojin wada muddo ku dhow toddobaad.
Waxaa maanta xiran dhammaan goobaha ganacsiga magaalada Boosaaso oo xiran, waxayna ganacsatadu siideen inay bixyaan canshuurka cusub, iyadoo Dekadda magaalada Boosaaso ay maalintii afraad ku xayiran tahay alaabtii ganacsatada ee kasoo degi jirtay.
Wararka laga healyo magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale sheegaya in Gaadiidka tegi lahaa magaalada Boosaaso ay ku xayiran koontaroolka magaalada, iyagoo u xaniban canshuurta ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dhowaan kasoo laabtay dalka Jabuuti ayaa ku sugan magaalada Boosaaso iyadoo ay xiisadan taagan tahay.