Wednesday, May 22, 2024

Arrinta ugu yaabka badan War-murtiyeedka Golaha Wadatashiga iyo 2 Qodob oo Is-mari waa’ looga tegay

Muddo lix maalmood ah oo shir uga socday magaalada Muqdisho Golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka xilliga dheer jiitamayey ayaa waxaa kasoo baxay 18 Qodob oo u muuqda inay aad uga fudud yihiin xilliga loo fadhiyey.

QODOBKA UGU YAABKA BADAN

Qodobka ugu yaabka badan ayaa noqday Qodobka 17-aad wuxuu u qoran yahay sidatan: “AMISOM waa inay xoojisaa Amniga Madaxtooyada”

Ad

Qodobkan sida uu u kooban yahay uma dhib yareyn, wuxuuna shirku ku sigtay in lagu kala tago, kadib khilaaf ka dhashay ‘Arrinta Amniga Dalka’ iyo cidda mas’uuliyadda ka saaran tahay ee ay tahay in Golaha ay ku caddeeyaan qoraalkooda.

Waxaa Qodobkan war-murtiyeedka lagu soo daray, iyadoo maanta lagu hayo in Xarunta Villa Somaliya ay noqotay ‘AAG’ dagaal oo ay ku wada sugan yihiin ciidamo kala taabacsan Farmaajo iy Rooble, wuxuuna micnihiisu yahay in Amniga dalka ay ka mas’uul yihiin AMISOM, mar haddii ay Goluhu ku heshiiyaan waayeen arrintaasi sida Madaxweynaha xilku ka dhammaaday iyo Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta.

SADDEXDA QODOB EE DHINAC LA ISKA DHIGAY

- Advertisement -

Markii lagu heshiin waayey, waxaa sida muuqata lasoo hadal qaadin ama dhinac kale loo rarray qodobo muhiim ahaa oo laga sugayey golaha inuu go’aan cad ka yeesho, waxayna kala yihiin:

1- Awoodda Guddiga Doorashada: Waxaa la sheegay inay madax bannaan yihiin, haddana Golaha Wadatashiga wuxuusan soo hadal qaadin xil ka qaadistii 7 xubnood oo ka mida Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Heer Federaal, taasoo micnaheedu yahay in Rooble loo dhaafay tallaabaduu uu qaaday.

2- Kuraasta muranku ka yimid: arrintan oo ahayd mid aad u adag wuxuu Goluhu uga gaabsaday inay go’aan ka gaaraan Ra’iisal wasaaraha iyo Guddiyada Doorashada oo horeba isugu khilaafay, waana arrin kale oo la iska indha tiray, xalkeeduna adkaan doono.

Guusha shirkan lagu gaaray waxaa ka mida:

- Advertisement -

1- In waqti loo qabtay dhammeystirka Doorashada, inkastoo anay ahayn markii koowaad oo dammaan hore loogu fashilmay muddeynta Doorashada.

2- In meesha laga saaray khidmadii laga qaadayey ergooyinka Doorashada

3- Iyo Awood la siiyey Odayaashii 135 ee rasmiga ahaa, inkastoo si guud loo sheegay

Inta badan Qodobadii ay soo jeediyeen Midowga Musharixiinta ayaa si toos ah loo qaatay, iyadoo aan wax laga bedelin, waxaase laga war sugayaa sida loo fulin doono.

Dad badan ayaa aaminsan in qodobadda la soo saaray in waqtiga shirka loo fadhiyay aanay isu qalmin, isla markaana aanay wax cusub ku jirin War-murtiyeedka, xaaladuna sidii hore ku socoto iyo is-jiidjiid.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON