Sunday, May 19, 2024

Alshabaab oo Jubbooyinka uga dhawaaqday olole Af-Carabiga lagu barayo Dadweynaha (Carabiyeynta Umadda)

Alshabaab ayaa magaalada Jilib uga dhawaaqay olole lagu magaacabo ‘Carabiyeynta Umadda” oo muddo lix bilood ah dadka lagu barayo.

Xarun ku taalla magaalada Jilib ayaa markii labaad aga furay ololaha barashada Carabiga, waxaana la sheegay inuu soconayo muddo 6 bilood ah, iyadoo uu furay guddoomiaya Jubbooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo sheegay inay muhiim u tahay dadka Soomaaliyeed oo muslimiin ah, balse dagaal weyn lagu soo qaaday Luqada Carabiga.

Waxaa hore ay Alshabaab ugu amartay dadweynaha Jubbooyinka in boorarka lagu dhejiyo dukaamada iyo goobaha ganacsiga lagu qoro Carabi, iyadoo iskuullada lagu dhigayo luqadda Carabiga, waxaana amarkaasi uu ka dhaqan galay degaano badan o Alshabaab ka taliso. Hore ay Alshabaab u sameysay Manhajka Dugsiyada hoose iyo Dhexe oo ku qoran Carabi.

Ad

Carabiga waa luqada labaad ee Soomaaliya oo rasmi ah, waxaana la xusuustaa in dowladii Kacaanka ee Gen, Maxamed Siyad Barre uu sameeyey olole lagu barayo Carabiga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON