Sunday, May 5, 2024

Dowladda Jabuuti oo 100 Milyan oo lacagteeda Frank ah ugu deeqday Dadka ku waxyeeloobay fatahaadda

Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa deeq lacageed soo gaarsiiyey Guddiga Gurmadka Dowladda Soomaaliya, iyadoo qeyb labaad oo qalab ah ay soo gaari doonta dalka.

Safiirka Jabuuti u jooga Somaaliya Aadan Xasan ayaa sheegay in qeybta hore ee deeqda ka timid Jabuuti ay gaareyso 100 milyan oo lacagta Frank Jabuuti oo ku dhow 600, 000 Doolar (Lix boqol oo kun oo Doolar), wuxuuna intaas ku daray inay sharaf u tahay Jabuuti inay qeyb ka noqoto gurmadka loo sameynayo dadka Soomaalida, iyadoo uu qeyb weyn ka qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa dhinacooda gurmad toos ah oo loo fidinayo dadka fatahaaduhu saameeyeen, sida u fidinta adeegyo caafimaad, samata bixinta dadka ku go’doonsan meelaha qaar iyo agab kale oo la siinayo dadka ku barakacay fatahaadda.

Ad

Agab caafimaad, Teendhooyin iyo alaabo kale oo Jabuuti ku deeqday ayaa la sheegay in diyaarado lagu keeni doono dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON