Friday, May 17, 2024

AKHRISO: Natiijadii kasoo baxday dhiibistii Qalbi-dhagax & sidii Itoobiya loogu gacan geliyey

Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) oo Nabadsugidda Soomaaliya u dhiibtay Dowladda Itoobiya 28-dii Agoosto, ayaa guddiga Baarlamaanka ee loo xilsaaray arrinta qalbi-dhagax waxay soo saareen warbixin dheer oo ay ku baareen kuna faahfaahinayaan arintaas iyo sida ay u dhacday.

Qalbi-dhagax waxaa laga soo qabtay Galmudug, waxaana loo soo gudbiyey Muqdisho, Laamaha sirdoonka kala duwan ayaana soo qabtay iyagoo amar buuxa ka qaba Taliyihii hore ee Nabadsugidda Qaranka mudane C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Keenintaankiisa Muqdisho oo ay la socotay warbixinno aan fadhiyin oo ku saabsan xiritaankiisa, iyo inuu maleegayey falal amni darro ku ah dalka iyo wadamada deriska ah ayaa sababtay in degdeg loogu gudbiyo Itoobiya, warbixinnada khaldan ee loo gudbiyey madaxda Qaranka iyo heshiisyada aan dhameystirnayn ee xukuumaddii hore la gashay Itoobiya ayaa dedejiyey dhiibitaanka Qalbi-Dhagax.

Ad

Guddiga gaarka ah ee Baarlamaanka ee qaabilsanaa arrinta qalbi-dhagax waxay caddeeyeen in dhiibitaanka Qalbi-dhagax aan loo marin si sharci ah, lagana talogelin hayadaha Garsoorka isla markaasna ay maaraysay Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo keliya, iyadoo amarro gaar ah ka helaysa Taliyihii hore ee Nabadsugidda Sanbaloolshe.

Sidoo kale waxaa guddigu sheegay in ONLF aanay ahayn urur argagaxiso ah, ayna habboontahay in wax urur ama jabhad hubaysan aanay gudaha dalka ka hawl geli Karin, iyagoo khalkhal gelinaya ammaanka dalka ama kan Dowladaha deriska ah.

- Advertisement -

Taliyihii hore ee Nabadsugidda Qaranka mudane Sanbaloolshe ayey guddigu saareen masuuliyadda ugu  horreysa ee dhiibista Qalbi-dhagax, maadaama aanu fursad siin Madaxda ugu sarreysa Qaranka inuu ka talogeliyo iyo sidoo kale laamaha Garsoorka iyo Caddaaladda.

Guddiga Gaarka ah ee Baarlamaanka ee loo xirsaaray arrinta Qalbi-dhagax, waxay soo jeediyeen in si dhakhso ah dib loogu eego dhammaan heshiisyadii iyo mucaahadooyinkii la galay burburkii kadib, isla markaasna loo qaybiyo xarumaha Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ee ay Khusayso, si xog-ogaal looga noqdo xog kasta iyo heshiis kasta oo ay Dowladdu gasho.

Sidoo kale, waxaa guddigu eed dusha uga tuuray Hay’adda Sirdoonka Qaranka siday u maaraysay arrintaas iyo in ay ka fogaadaan xogaha aan dhammaystirnayn. Guddiga ayaa ugu baaqay in xasilinta iyo ilaalinta Nabadgelyada guud ee Qaranka la ilaaliyo lagana fogaado wax kasta oo dhibaataynaya danta guud ee Dalka.

Warbixintan oo Baarlamaanka la horgeeyey maanta ayaa waxaa ogolaaday oo ku qancay baadhitaankaan 152 xildhibaan ayaa ogolaaday, 6 xildhibaan way diideen, 3 xildhibaan way ka aamuseen.

- Advertisement -

Waxaa xusid mudan in Taliyihii hore ee Sirdoonka Qaranka mudane Sanbaloolshe su’aalo badan oo madaxda ugu sarraysa qaranka waydiiyeen uu ka jawaabi waayey, taasina ay fududaysan in xilka laga xayuubiyo. Fashil is dabajooga oo ka qabsaday ammaanka dalka, oo ay ugu danbaysay Qarixii Soobe oo ay ku dhammaadeen Shacab ka badan 400 qof.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON