Wednesday, May 22, 2024

Abiy Ahmed oo magacaabay Golaha Wasiirada cusub ee Itoobiya (Akhriso Liiska Magacyada)

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa ku dhawaaqay Golohiisa Wasiirada Xukuumadda cusub ee dalka Itoobiya oo ka kooban 22 wasiir.

Abiy Ahmed ayaa dib u magacaabay wasiiradii hore qaarkood sida wasiirkii maaliyadda Axmed Shiddo oo xilkiisii kusoo noqday, wuxuuna kusoo daray xukuumadda saddex xubnood oo ahaa hogaamiyayaasha mucaaradka, waxaana xukuumadda cusub maanta ansixiyey Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.

Ra’iisal Wasaraha Itoobiya Abiy ayaa Prof. Berhanu Nega, Guddoomiyihii xisbiga Muwaadiniinta Itoobiya ee Caddaaladda Bulshada ou magacaabay Wasiirka Waxbarashada, Belete Molla oo ahaa Guddoomiyihii Dhaqdhaqaaqa Qaranka ee Amxaarada (NMA) aya isna loo magacaabay Wasiirka Hal -abuurka iyo Teknolojiyada, halka Kejela Merdasa oo ahaa Madaxweyne Ku -xigeenkii Jabhadda Xoreynta Oromada (OLF) loo magacaabay Wasiirka Dhaqanka iyo Ciyaaraha.

Ad

Madixii KMG ahaa ee dowladda Itoobiya u magacawday maamulkii fashilmay ee Gobolka Tigray Abraham Belay ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya.

HOOS KA AKHRISO LIISKA GOLAHA WASIIRADA CUSUB EE ITOOBIYA

- Advertisement -

1- Demeke Mekonnen Hassen – ku-xigeenka ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha dibadda

2- Abhrham Belay (PhD) – Wasiirka Difaaca

3- Axmed Shide – Wasiirka Maaliyadda

4- Muferihat Kamil – Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka

- Advertisement -

5- Cumer Hussein Oba – Wasiirka Beeraha

6- Injineer Aisha Mohammed – Wasiirka Horumarinta Waraabka iyo Dhulka Hoose

7- Injineer Habtamu Itefa Geleta – Wasiirka Biyaha iyo Tamarta

8- Professor Birhanu Nega – Wasiirka Waxbarashada

9- Dagmawit Moges – Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka

10- Gebremeskel Chala – Wasiirka Ganacsiga iyo Isdhexgalka Gobollada

11- Melaku Alebel – Wasiirka Warshadaha

12- Binalf Andualem – Wasiirka Nabadda

13- Gedewon Timothywos (PhD) – Wasiirka Cadaaladda

14- Dr. Lia Tadesse – Wasiirka Caafimaadka

15- Belete Mola – oo ah Wasiirka Technology-ada iyo hal-abuurka

16- Danjire Nasise Chali – Wasiirka Dalxiiska

17 – Lake Ayalew – Wasiirka Dakhliga

18 Chaltu Sani Ibrahim – Wasiirka Magaalooyinka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha

19- Injineer Takelle Uma Benti – Wasiirka Macdanta iyo Batroolka

20- Kejela Merdasa Tulu – Wasiirka Dhaqanka iyo Ciyaaraha

21- Ergoge Tesfaye (PhD) – Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Bulshada

22- Fitsum Asefa (PhD) – Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON