Saturday, May 18, 2024

969 Qof oo Talyaaniga Maalin kaliya ugu geeriyooday Coronavirus & Liiska tirooyinkii ugu danbeeyay

Talyaaniga ayaa laga soo weriyey 24-kii saac ugu danbeeyay tiradii ugu badneyd ee hal maalin dunida ugu geeriyoota cudurka Coronavirus.

Talyaaniga wuxuu maanta shaaciyey in 919 ay u geeriyoodeen Cudurka Covid-19 ee Coronavirus oo ah tiro aan hore loo arag dunidoo dhan. Waxaa kaloo tiradan lagu daray 50 dhimasho ah oo ahaa dadkii Khamiistii geeriyooday oo maanta la diiwaangeliyey laguna soo daray tirada maanta, taasoo tirada geerida 24-kii saac ee Talyaaniga ka dhigtay 969 qof.

Talyaaniga waxaa hadda tirada cudurka u dhimatay ay gaartay 9,134 qof. Waxaa kaloo dadka qaba cudurka ee Talyaaniga ah ay tiradooda sare u dhaaftay 86,498, iyadoo hadda ka sare martay Shiinaha oo ay hore ugala wareegtay dadka ugu badan ee cudurka u dhintay.

Ad

Arrintan ayaa meesha ka saartay rajadii laga qabay inuu hoos u dhaco cudurka Coronavirus Qaaradda Yurub, iyadoo sidoo kale Spain oo ah dalka labaad ee Yurub ugu darran cudurka ay shaacisay inay 24-kii saac ee ugu danbeeyay dalkaasi ku dhinteen 769, waxayna guud ahaan dadka ku dhintay Spain ay gaareen 4858 qof.

Guud ahaan dunida waxaa cudurka COVID-19 u dhintay 25,000 qof, halka ay sidaan cudurka dad ka badan

HOOS KA AKHRISO DALALKA DUNIDA IYO SIDA CUDURKA UGU FAAFAY

- Advertisement -

[cov2019all] 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON