Dowladda Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in qofkii saddexaad oo qaba cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya, kaasoo ajnabi la shaqeeya Hay’adda Q/Midoobay ee Soomaaliya UNSOM.
Daqiiqado kadib waxaa arrintan war kasoo saaray Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya oo xaqiijiyey in qof ka shaqaalaha shirkad qandaraas kula jirta Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya laga helay cudurka Coronavirus, iyadoo la qaatay tallaabooyinkii qofkaas lagula tacaalayey iyadoo la karaantiilay, ayna xaaladiisa gacanta ku hayaan dhaqaatiir iyo khubaro caafimaad.
Qofkan la sheegay inuu muddo 8 maalmood ah ku jiray karaantiil markii calaamadaha lagu arkay, waxayna xogta Qofkan inuu dalka ku yimid diyaaradda shirkadda Ethiopian Airlines, waxaana cabsi laga qabaa dadkii la socday iyo dad kale oo uu xiriir la yeeshay intii aanu kusoo bixin cudurka
Dowladda Soomaaliya ayaa weli dabagal ku sameyn qofkii koowaad ee laga helay cudurka oo ka yimid dalka China, waxaana su’aalo badan ka taagan yihiin qaabka ka hortagga cudurka ee Dowladda Soomaaliya ay qaadatay.