Saturday, May 18, 2024

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo sheegay inuu ka badbaaday Rasaas ay ku rideen Ciidamada NISA [Tikniko Gurmad ugu timid]

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay Galabta is rasaaseyn dhex martay ciidamada ammaanka ee NISA iyo ilaalada xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dhacay bar ay ciidamada amniga ku leeyihiin oo ku dhow KM 0, agagaarka Baarkii FIAT, kadib markii la sheegay in Gaari aanay rasaastu karin oo xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur leeyahay uu dhaafay barta ciidamada kadibna la rasaaseeyay.

Xildhibaanka oo ah hormuudka kooxda Qabyo ayaa waxaa u soo gurmaday Gaari nooca dagaalka ah oo uu isagu leeyahay, kaasoo soo gaaray goobta, halkaasi ka galbiyey xildhibaanka, iyadoo aan la soo werin wax qasaare ah oo is rasaaseyntani ka dhalatay.

Ad

Qoraal uu baraha bulsjada soo dhigay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayuu ku sheegay in darawalkiisa ay joojiyeen ciidamada NISA, si caadi ahna uu isugu sheegay qofka uu yahay, balse markii ay u ogolaadeen inay dhaqaaqaan lagu bilaabay rasaas, balse uu ka badbaaday.

Xildhibaanka ayaa ka mida kuwa ugu hubka badan magaalada, isagoo heysta gaadiid dagaal, wuxuuna sheegay inuu hore hanjabaadyo ugala kulmay ciidamada NISA.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON