Wednesday, May 21, 2025

Dood ka dhalatay Hadal kasoo yeeray RW Xamse iyo Siyaasiyiin jawaabo culus u diray

Doo culus ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ku saabsan qaabka ay noqon doonto doorashada soo socota ee Soomaaliya.

Xamsa ayaa hadalkan ka jeediyey shir shalay ka furmay magaalada Muqdisho oo ku sabasan ‘Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran’., isagoo ka sheegay inaan mar danbe lagu laaban doonin Teendhadii Xalane.

“Annaga ma qarineyno, beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale inaan ku laaban doorashadii Teendhada. Qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray.” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Ad

Hadalkan oo la mida ballanqaad uu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jawaab celin iyo weerarkii ugu horeeyay kala kulmay agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji oo qoraal uu soo saaray ku yiri:

“Shalay ayaad na fahamsiisay sababta uu Madaxweyne Xasan Sheekh kuugu magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka, waana inaad maamusho doorashada soo socota ee 2026. Mudane Xamse shalay waxaad soo hoggaamisay doorashadii ku dhisneyd saddex iisoo qora, laakiin, Madaxweynaha ayaa qofkuu rabo kala baxaya (Jubbaland 2019). Ma waxaad rabtaa inaad maamusho doorasho ku dhisan saddex Xisbi baa taryamaya, laakiin, Madaxweynaha ayaa xisbiguu rabo kala soo baxaya! Mudane Ra’iisul Wasaare wax kasta oo kale waad ka hadli kartaa, laakiin fadlan haka hadlin hufnaan doorasho, kaliya dib u xusuuso taariikhdaada dhaw”.

Dhinaca kale Duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa isna arrintan ka hadlay, isagoo soo jeediyay si doorasho qof iyo cod ah loo gaaro in marka hore laga qabto caasimada Muqdisho.

- Advertisement -

“Inaan Teendhadii loo laaban waxaa daliil u noqon kara in G.Banadir laga qabto doorasho qof&cod xorna ah maadaama reer Muqdisho diyaar u yihiin doorasho xalaal ah. Dowladda Federalka muddo kordhin kale miyaa u madlan mise 6bil waa lagu qabankara doorasho qof&cod D. Gobolleedyada?” ayuu yiri Thabit Cabdi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON