Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo caawa laga maqlay xaafado ka mida caasimadda Muqdisho, kuwaas khalkhal ku abuuray dadka.
Goobaha qaraxyada laga maqlay ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Boondheere, Waaberi iyo xaafad kale. Wararka ayaa sheegaya in Isgoyska Boondheere ay ku dhaawacmeen 5 ruux oo ay ku jiraan carruur. Sidoo kale waxyaabo qarxa oo ku jira Baco ayaa ku qarxay agagaarka Saldhigga degmada Waaberi.
Taliska Booliska Soomaaliya ayaa War uu soo saaray ku sheegay in Jugta caawa laga maqlay degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir ay ahaayeen Baco ladhigay dhawr goobood oo kala duwan, isla markan aysan jirin wax dhib ah, magaaladuna ay tahay nabad.
Alshabaab ayaa sheegatay inay qaraxyo ka fulisay 10 degmo o ka tirsan Gobolka Banaadir ay ka fulisay, ayna beegsadeen saldhigyo ciidan iyo xarumo ciidamada dowladda baro koontarool ku leeyihiin.
Dhinaca kale Qarax ka dhacay Guri ku yaalla degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sababay geerida Aabe iyo laba caruur ah oo uu dhalay, iyadoo ay ku dhaawacantay Hooyadii qoyska.
Ninka qaraxa ku dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa xubin ka tiran Alshabaab, kaasoo Miino ku dhex sameynayay Gurigiisa, kadibna ay ku qarxay isaga iyo reerkiisa, sida uu sheegay Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.