Thursday, February 13, 2025

Saraakiisha loo xiray Leexsiga Saadkii Ciidamada Danab iyo Maraykanka oo ka hadlay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kiiska lagu leexsaday Saadkii qaar ka mida ciidamada Danab ee Kumaandooska Soomaaliya oo ah ciidamo uu si gaara u taageero, una tababarro Mareykanka.

Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kiiskan, waxayna sarkaal sare kasoo xigatay Wakaalada Wararka Reuters in dowladda Mareykanka ay si adag ah u qaadatneyso dhammaan eedeymaha la xiriira musuqmaasuqa.

“Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista hannaan isla xisaabtanka si looga hortago dhacdooyinka mustaqbalka ee saameyn kara taageerada Mareykanka” ayuu yiri sarkaalka Mareykanka oo ka gaabsaday hakinta la sheegay inuu Mareykan ku sameeyay Saadkii uu siin jira Danab.

Ad

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay shaqada ka joojisay, lana xiray saraakiil ka tirsan ciidamada Kumaandooska ee Danab, kuwaas oo loo heyso inay xadeen raashinka ay ay ku deeqay dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa bishii February 2024 ogolaaday in uu qarash gareeyo in ka badan 100 milyan oo doolar si loogu dhiso ilaa shan saldhig oo ciidamada Danab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON