Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay Degaanka Cali Fooldheere ay ka wareegeen maanta, kadib weerar kedis ah oo ay kusoo qaadeen
Sida laga soo xigtay dadka degaanka Maleeshiyada Alshabaab ayaa si dhuumaaleysi ah ku galay Degaanada Cali Fool-dheere iyo Ciidciidka oo dhowr Bilood ka hor dagaal culus ka dhaceen,isla markaana Alshabaab laga saaray.
Labadan degaan ayaa Alshabaab muhiim u ah, waxayna u tahay Goob ay isaga gudbaan degaanada kala duwan ee Gobolka Shabeelada dhexe, iyadoo joogitaankooda ay halis ku tahay degmooyinka Gobolka Sh/Dhexe.
Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaal la’aan kula wareegtay degaanka Cali-Fooldheere, ayna gacanta ku dhigeen degaanaadan oo hoostaga degmada Mahadaay ee Sh/dhexe.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Hirshabeelle iyo Taliska ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana ay arrintan imaaneysa iyadoo dowladda Federaalka ay wado olole dib u abaabul ciidan oo ka socday Gobolka Sh/Dhexe.