Sunday, May 19, 2024

Wiil uu dhalay hoggaamiyaha Daacish oo lagu dilay dalka Siiriya [Muuqaalkiisa loo la baahiyey]

Wiilka hogaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar al-Baghdadi ayaa la shaaciyey inuu ku dhintay howlgal is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Xums ee Galbeedka dalka Syria, sida ay baahisay warbaahinta Daacish ee al-Naashir News.

Wiilka yar ayaa lasoo bandhigay sawirkiis, waxaana lagu magacaabaa Xudeyfah Al-Badri, Waxaana warbaahinta ay sheegtay inuu ku dhintay howlgal ka dhan ahaa ciidamada Russia iyo kuwa dowladda Syria ee jooga Xums.

“Xudeyfah Al-Badri (Allaha aqbalee), wiilka khaliifka (Allaha xifdiyee), waxaa lagu dilay howlgal ka dhan ahaa ciidamada Russia iyo kuwa Syria ee jooga Wilaayada Xums” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay Al-Naashir.

Ad

Abuubakar Al-Baghdad oo  kasoo jeeda Ciraaq, magaciisa runta ahna uu yahay Ibrahim Cawad al-Badri ayaa kooxda Daacish ku aas-aasay magaalada Mosul bishii June ee sanadii 2014, isaga oo isku magacaabay khaliifka khilaafada Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam.

Wixii markaas ka dambeeyey wuxuu ahaa qofka loogu doonista badan yahay dunida, ayada oo madaxiisa la dul dhigay 25 milyan oo dollar. inkastoo marar badan la sheegay in la dilay ayaa haddan la aamisan yahay inuu nool yahay.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON