Saturday, May 18, 2024

Wasiirka Warfaafinta oo Warbaahinta madaxda bannaan ku eedeeyay inay heshiis kula jiraan Alshabaab

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta madaxa bannaan ee Soomaalida ay heshiis kula jiraan Alshabaab, ayna buunbuuniyaan wararka argagixisada Alshabaab.

Isagoo maanta ka furay magaalada Muqdisho Seminaarka Bedqabka Saxafiga Soomaaliyeed ayuu Wasiir Maareeye khudbad uu jeediyey ka sheegay in warbaahinta madaxa bannaan ay heshiis kula jirto argagixisada, ayna u sameyso dhiirrigelin, iyagoo buunbuuniya wararkooda, wuxuuna ku hanjabay in tallaabo laga qaadi doono warbaahinta sidaasi u dhaqanka oo sharciyo laga soo saari doono.

Seminaarka ay oo ay ku sugnaayeen xubno ka socday saxafiyiinta madaxa bannaan ayaa ka hor yimid hadalka kasoo yeeray wasiir Maareeye, waxayna ka dalbadeen raaligelin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON