Sunday, May 19, 2024

Wasiir Odowaa oo la kulmay Odayaal uu soo ururiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan

Wafdigii wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)  oo muddo toddobaad ah ku sugnaa Magaalada Beledweyne ayaa ugu danbeyn maanta la kulmay Odayaasha dhaqanka beelaha gobolka Hiiraan oo aan ahayn kuwii hore  u qaadacay inay wax kulan ah la yeeshaan wasiirka.

Wasiir Odawaa iyo Odayaasha Hiiraan

Wasirka Arimaha Gudaha  iyo Fededaalka C/raxmaan  Odowaa iyo Wasiirka Barroolka  Maxamed Muqtaar  ayaa si wada jir kulan ula qaatay  waxgarad iyo odayaal ka tirsan Odayaasha Hiiraan oo ay ka wadahadleen xalin muranka ka taagan  maamul u sameynta Goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Odayaasha la kulmay wasiirada ayaa la sheegay inay ahaayeen odayaal uu soo diyaariyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo aysan ku jirin Duubabka dhaqanka Hiiraan ee qaadacaday la kulanka Wasiirka, waxaana lagu wadaa in scodaalkiisa uu soo gabagabeeyo maalmaha soo socda.

Ad

Natiijada socdaalka Wasiir Odowaa ee Beledweyne

Socdaalka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wasiirka Batrookla ku tageen Beledweyne ayaa lagu sheegay inuu ahaa kii ugu natiijo xumaa, kadib markii uu hareeyay go’aan ku saabsan inaan lala kulmin wasiirada oo ay qaateen Duubabka dhaqanka Beelaha Hiiraan oo laf ahaantooda ku qeybsamay fekerkooda ku saabsan shirka Jowhar ee maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Odayaasha Hiiraan waxay sugayaan Madaxweynaha

Qaar ka mida odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa ku dooday in ballan hore ay la lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagana ay doonayaan inay  kala hadlaan dowladda Federaalka oo aanay jirin cid kale oo ay arrintooda kala hadlayaan iyagoo hore u diiday inuu Magaalada Beledweyne yimaado Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

odayaal hiiraa Odayaalhiiraan Odayaashahiiran odayhiiran Odowaa-dabageed

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON