Sunday, May 19, 2024

Wasii cusub ee Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya oo xilka la wareegay

Wasiirka cusub ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta xilkii kala Wareegay Wasiirkii hore C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa).

Munaasabad lagu qabtay xarunta wasaaradda ayuu xilka kula wareegay wasiirka cusub. Wasiirkii hore  C/raxmaan Odowaa ayaa sheegay in wasaaraddu  ay gaartay horumar balaaran intii uu xilka hayay.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa uga mahad celiyay wasiir Odawaa horumarka uu Wasaarada gaarsiiyay sanadihii lasoo dhaafay. Wuxuu kaloo sheegay dhinacooda si hufan ah ugu shaqeyn doonaan Bulshada Soomaaliyeed.

Ad

Xil-wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Wasiirada cusub ee xukuumadda cusub ayaa maanta bilaabay inay xilka la wareegaan xilli Ra’iisal wasaare Kheyre uu amar ku bixiyay in toddobaadkan gudihiisa lagu dhammeeyo xil wareejinta.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON