Sunday, May 19, 2024

Wasaaradda Gaadiidka Dekadaha oo Digniin u dirtay Shirkado la shaqeeya Alshabaab

Xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin u dirtay Shirkado lagu eedeeyay inay la shaqeeyaan Alshabaab, una gudbiyaan xogta Badeecada timaada dalka, iyagoo loogu hanjabay shaqo ka joojin iyo in hantidooda lagala wareegayo.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa lagu sheegay in Hay’adaha Amniga dalka ay la wadaagtay cabasho uga timid Ganacsatada oo sheegaysa in xogta Ganacsigooda lala wadaago kooxda Alshabaab.

Wasaaradda ayaa ku hanjabtay in Shirkadaha bixiya adeegga Maraakiibta (Ship Agents) ee xogta badeecadaha ay dalka keenaan la wadaaga Kooxda Al-Shabaab loo aqoonsanayo inay si toos u taakuleeyaan Argagixisada, lagana qaadi doono tallaabooyin isugu jira mamnuucis shaqo iyo in lagala wareegayo ganacsigooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON