Sunday, May 19, 2024

Wadooyinka muhiimka ee Magaalada Muqdisho oo maalmo la xiray [Xaalad Amni Shirka Iskaashiga..]

Isu socodka Wadooyinka muhiimka ah ayaa saaka la joojiyey magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay wadooyinka caasimadda, lana filayo inay xirnaadaan 2 ilaa 3 maalmood.

Waddooyinka xiran ee magaalada waxaa ka mida Jidka Maka Almukarama iyo wadooyinka soo gala laga bilaabo isgoyska Banaadir ilaa Hotelka Jubba, waxaana gaadiidka loo diiday inay u gudbaan Wadaddda Muka Almukarama, iyadoo dadweynaha ay cagahooda maalayaan, waxayna arrintan kusoo beegantay iyadoo uu maanta Muqdisho ka furmayo shirka Iskaashiga Somalia oo ay ka qeyb galayaan wakiilo ka socda ilaa 50 dal.

Dadweyne fara badan oo saaka shaqo iyo waxbarasho u kalahay ayey qasab ku noqotay inay lugeeyaan, waxaana iska caadi ah in wadooyinka loo xiro shirarka muhiimka ah ee ka dhaca caasimadda, inkastoo ay hore u kala xirneyd magaalada.

Ad

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa ka furmaya xarunta Xalane ee gudaha garoonka Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON