Sunday, May 19, 2024

Taliye Odowaa: “Dadka Ciidamada Dowladda ku eedeeyay xasuuqii Gololey Caddowga ayay u adeegayaan”

Taliyaha ciidamada xoogga Dalka Jeneraa Odawaa Yuusuf Raage ayaa iska fogeeyay in ciidamada dowladda ay ku lug leeyihiin xasuuq degaanka Gololley loogu geystay 7 shaqaale caafimaad oo ka shaqeynayey degaankaasi iyo qof shacab ah.

Isagoo xalay xilli danbe ka hadlayey shir jaraa’id oo laga abaabulay magaalada Cadaaddo ayuu caddeeyay in dadka la laayey aysan wax lug ah ku laheyn ciidanka xoogga dalka, wuxuuna ku tilaamay caddow dadka ciidamada dowladda ku eedeynaya falkaasi.

“Waxaa jiray dad ku eedeynayay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed inay ka danbeeyeen arrintaas… dadkaas waxaan dhihi karno waxay u adeegayaan shacabka, falalkaasina ma aha wax ka suuragala Ciidamada xoogga dalka, ciidamada dadkooda ayay u adeegaan ee ma dilaan..” ayuu yiri taliyaha ciidamada xoogga dalka.

Ad

Taliye Odowaa ayaa falkaasi sheegay inay ka danbeeyeen caddowga umadda Soomaaliyeed oo aanay ku cusbeyn dilka dadka Soomaaliyeed, wuxuuna weerar ku qaaday mas’uuliyiinta qaarkood oo ciidamada xoogga dalka dowladda ku eedeeyay falkii Gololley, isagoo ku tilmaamay inay kala garan waayeen mucaaradnimada siyaasadeed iyo mas’uuliyadda ka saaran qaran Soomaaliyeed oo ay been umadda u sheegeen oo ay marin habaabiyeen.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo baaritaan lagu bilaabay xasuuqii degaanka Gololley, iyadoo dadka degaanka ay ciidamada dowladda ku eedeeyeen inay falkaasi geysteen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON