Sunday, May 19, 2024

Taliyaha Ciidamada AFRICOM oo Digniin Culus iyo Xog ka bixiyey Qorshaha Alshabab ee Itoobiya

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa digniin kasoo saaray qorshaha Alshabaab ee dalka Itoobiya, isagoo bixiyay xog cusub oo ku saabsan weerarradii Alshabaab ku gashay gudaha degaanka Soomaalida Itoobiya.

Taliyaha AFRICOM General Stephen Townsend oo dhowaan xilka ka degaya ayaa shegay in ilaa 500 Maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Alshabaab, iyagoo gaaray masaafo dhan ilaa 150 KM gudaha Itoobiya, taasoo ah xog cusub, wuxuuna ka digay in weerarka uu ahaa mid bilow ah, isla markaana ay Alshabaab isu diyaarinayaan weerarro xoog leh oo kale.

Wuxuu sheegay in isku daygii koowaad ee Alshabaab uu u muuqdo in si weyn loo xakameeyay, balse ay jiraan qorshe kale iyo weerarro muddooyinka dhow la filan karo. Sarkaalka ayaa ku qiimeeyay inay Alshabaab gaareen ilaa 150 kiiloomitir ka hor inta aan la joojin.

Ad

“Waxay u muuqataa in Itoobiyaanku ay si weyn u xakameeyeen oo ay ka adkaadeen duullaankan,” ayuu yiri Jeneral Stephen Townsend, taliyaha xilka ka tagaya ee Taliska Mareykanka ee Afrika, Khamiistii, isagoo la hadlayey weriyeyaasha ka howlgala Waaxada Difaaca ee Washington.

“Waxa ay ahayd wax ka yar hal sano ka hor markii amiirka al-Shabaab [Axmed] Diiriye uu ku baaqay in xooga la saaro weerarrada dibadda iyo in la kordhiyo xooga la saarayo bartilmaameedyada reer galbeedka ee Geeska Afrika,” ayuu yiri Gen. Townsend.

Townsend oo hadalkiisa sii wata ayaa Khamiistii ka digay in Al-Shabaab ay fursad ka heleen qalalaasaha siyaasadeed iyo khilaafkii doorashada Soomaliya, kaasoo 18-kii bilood ee la soo dhaafay meesha ka saaray dareenka mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, iyo sidoo kale go’aankii bishii December 2020 ee Mareykanka uu qaatay xilligaas ee Madaxweyne Donald Trump ciidamada Mareykanka kala baxay Soomaaliya.

- Advertisement -

Go’aankaas ayaa wax laga beddelay, waxaana taliyaha AFRICOM uu sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu isna qaaday tallaabooyin wax ku ool ah.

Ciidamada Soomaaliya – “Waxay u muuqdaan inay dib ugu soo laabteen howshii, madaxweynahoodu wuxuu u muuqdaa inuu diiradda saarayo wax walba oo sax ah” ayuu yiri Gen Townsend oo rajo wanaagsan ka muujiyey qorshaha Madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh ku doonayo inuu ku wajaho Alshabaab.

Sida lagu sheegay xog sirdoon oo ay wadaagaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, Al-Shabaab waxay hadda heysataa inta u dhaxaysa 7,000 ilaa 12,000 dagaalyahan, waxayna ku kharash garaysaa ku dhawaad ​​24 milyan oo doolar sannadkii.

Gen. Stephen Townsend
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON