Saturday, May 18, 2024

Soomaaliya oo Talyaaniga u direysa Dhaqaatiir ka caawiya Cudurka Coronavirus

Soomaaliya ayaa la sheegay inay dhaqaatiir caafimaad u direyso dalka Talyaaniga oo ka mida dalalka uu sida weyn u halakeeyay cudurka Coronavirus.

In ka badan 20 dhaqtar ayaa la sheegay inay Soomaalida u direyso dalka Talyaaniga si ay gacan uga geystaan dagaalka lagula jiro cudurka Covid-19, sida uu wakaalada Wararka Turkiga e Anadolu u sheegay afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismacil Mukhtar Orongo.

Dhaqaatiirka ayaa ah mutadawiciin is-xilqaamay oo ka tirsan Jaamacadda Umadda Soomaaliya ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho.

Ad

“20 dhaqaatiir mutadawiciin ah oo ka tirsan Jaamacadda umadda ee Muqdisho ayaa iska diiwaan geliyey safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho waxayna aadi doonaan dalka Talyaaniga si uga caawiyaan dagaalka lagula jiro Coronavirus’ ayuu yiri afhayeenka oo sheegay inay arrintan jawaab u tahay baaqii Talyaaniga ee uu kaalmo ku weydiistay caalamka.

Dhaqaatiirtan ayaa la sheegay inay diyaar yihiin oo ay sugayaan diyaaradi u qaadi lahayd dalka Talyaaniga

Talyaaniga ayaa waxaa hore uga gurmaday dhaqaatiir ka kala socota dalalka China, Russia, Cuba iyo dalal kale, waxaana la fileyn tallaabada ay qaaday Soomaalida oo maanta qofkii saddexaad cudurka Coronavirus laga helay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON