Saturday, May 18, 2024

Somali tahriib ku galay Talyaaniga oo loo doortay xildhibaanka Golaha degaanka magaalo weyn (Sawirro)

Wiil Soomaali ah oo dalka Talyaaniga ku galay qaab tahriib ah ayaa noqday xildhibaan ka tirsan Golaha degaanka maagaalo ku taalla dalkaasi.

Cabdullaahi Axmed Macallim, oo ah wiil dhalinyaro ah, kana soo jeeda Soomaaliya ayaa Isniinta noqday loo doortay xildhibaankii ugu horreeyay ee dadka soo haajiray ah oo ka mid noqdo xildhibaannada Golayaasha Deegaanka magaalada Torino ee dalka Talyaaniga in muddo ah.

Cabdullaahi, ayaa noqday xildhibaan ku guuleystay mid ka mida 24-ka kursi ee Golaha Deegaanka magaalada Torino, kaddib marki ay soo sharraxeen xisbiga Dimoqraadiga ee Talyaaniga.

Ad

Wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii Doomaha ku galay Talyaaniga, isla markaana uu helay fursad uu ku meteli karo dadka magaalada Torino, isagoo noqday musharaxa codka ugu badan, iyo ajanbigii ugu horeeyay muddo 25 sano ah.

Cabdullahi Axmed Macallin ayaa dalka Talyaaniga tahriib ku galay sanadkii 2008-dii. Wiilkan waxaa adeer u ah sida uu sheegay Dr. C/raxmaan Baadiyow oo ah aqoonyahan iyo musharax hore ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

“Hambalyo Cabdullahi Axmed Macalim oo loo doortay Golaha Deegaanka magaalada TORINO,I taly. Cabdullahi waa wiil aan adeer u ahay oo qaxootinimo ku tegay dalka Talyaaniga. Ilaahey ha dhawro, labadiisa dal (Somaliya iyo Talyaaniga) iyo dadkiisana haku anfaco” ayuu yiri Dr. baadiyow ku yiri farriin uu diray.

- Advertisement -
Image
May be an image of 5 people, people standing and indoor
May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoor

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON