Saturday, May 18, 2024

Sidee loo fuliyey Qarixii Is-miidaaminta ee lagu beegsaday Afhayeen Macalimuu? (Sheegashada Alshabaab)

Weerar is-miidaamin qorsheysan ah ayaa maanta lagu beegsaday afhayeenka xukuuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Qof iskusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa fuliyey weerarka, wuxuuna qofkaasi oo diyaarsanaa ku sugayey Gurigiisa, kadibna wuxuu beegsaday markii uu gaariga uu la socday afhayeen Macalimuu soo baxay, isagoo ordaya ayuuna ku dhegay Gaariga Daaqadiisa, kadibna isku qarxiyey Gaariga oo burbur weyn ka gaaray dhinaca danbe.

Burburka Gaariga gaaray ayaa muujinaya in weerarku ahaa mid si weyn loo qorsheeyay oo qofka is qarxiyey maahee ay dad kale hagayeen, waxaana taasi caddeyn u ah in Is-miidaamiyeyaasha Alshabaab aysan kala garan karin xaafadaha magaalada Muqdisho, ayna ad u adag tahay inay ogaadaan Guri qof mas’uul ah degan yahay.

Ad

Xaaladda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ah mid degan, inkastoo qaraxu ahaa weyn oo si shaqsi loogu beegsaday, loona qorsheeyay in lagu dilo. Xaqiiqada xaaladiisa aya alagu sheegay in jug xoog leh xabbadka ka gaartay, lugna ka jabtay, isla markaana xaaladiisa lagula tacaalayo isbitaalka Digfeer.

Ujeedka Qaraxa loo adeegsaday Macalimuu ayaa ah mid ashki keeni kara oo la mida Qaraxii is-miidaaminta lagu khaarijiyey agaasimihii hore ee radio Muqdisho C/casiis Afrika 20-kii Novembar 2021.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada Qaraxa lagu weeraray Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, waxaana War kkooban oo Taliska Al-Shabaab lagu sheegay inay weerar la beegsadeen masuul ka tirsan Dowladda Federaalka, Isla markaana uu ku dhacay sidii loo qorsheeyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON