Sunday, May 19, 2024

Shirkii Jowhar oo mar kale la furay & Wasiir Odowaa oo raaligelin bixiyay [DHAGEYSO]

Waxaa maanta magaalada Jowhar dib looga furay shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kadib markii uu muddo ku jiray, waxaana shirka furitaankiisa ka qeyb galay wasiiro fara badan oo maanta tegay Jowhar.

Wasiir Odowaa oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in dadka labada gobol looga baahan yahay inay dhistaan maamulkooda, wuxuuna meesha ka saaray warar la fidiyay oo ah inaan magaalada Buuloburte la tegi karin, wuxuuna sheegay in booqashadii ay ku tageen Buuloburte ay caddeyn  tahay in la tegi karo.

Wuxuu kaloo shirka ka sheegay in madaxweynaha maamulka cusub uu ka imaan doono xildhibaanada lagu soo xulo shirka, qofka uu noqon doono aan la ogeyn, wuxuuna odayaasha shirka u sheegay in shirka Madasha Qaran aanu jirin cid u meteleysa labada gobol.

Ad

Ugaasyada labada gobol ayuu ka codsaday inay kala qeyb qaataan in lagu qanciyo Ugaasyada maqan sidii ay uga soo qeyb geli lahaayeen shirka maamul u samenyta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiir Odowaa ayaa raali gelin ka bixiyay guddigii farsamada ee wasaaradiisu magacawday oo sida weyn loo saluugay, wuxuuna yiri: “Wax allaale wixii gaabis ahaa aniga iyo sheydaan ayaan ku tala xumeysanay, wixii maanta laga bilaabo garteyda waa qaatay, wixii aan ka gaabiyay oo xumaan u qaadateen, xumaan igama ahayn, waxaa la idinka inaad fariisatiin oo aad wax qeybsatiin…”

Jowhar05

Jowhar03

Jowhar04

Jowhar02

Jowhar01

DHAGEYSO WASIIR ODOWAA

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON