Sunday, May 19, 2024

Shirkadaha Korontada Muqdisho oo ku heshiiyey inay Dadweynaha ku kordhiyaan Qiimaha Korontada

Shirkadihii Korontada ee tartanka ka dhaxeeyay ayaa hadda u heshiiyay Dadweynihii macaamiishooda ahaa xilli aad u adag oo Bishii Ramadaan ay soo dhowdahay.

Shirkadaha Koronta ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa soo saaray qoraal wadajir ah oo ay ku sheegeen inay qiime kordhin ku sameeyeen sicirka Korontada.

Qoraalka oo yimid kadib shirar ay yeesheen shirkadahan oo markii ugu horeysay u heshiiyey dadweynaha macaamiisha u ah ee ay korontada siiyaan ayaa qiime kordhintan sabab uga dhigay qiime kororka ku yimid shidaalka caalamka oo uu dhaliyay dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Ad

Shirkadaha korontada BECO, Blue Sky iyo Muqdisho Power ayaa qiimihii hore ee Halkii KW ku kordhiyay lacad dhan (.10$ -Toban Senti ku dhowaad 30%), waxayna ku doodeen inay xaaladda la socon doonaan.

Shirkadda ugu weyn korontada Muqdisho ee BECO ayaa qeyb badan oo ka mida korontada ka dhalisa Cadcadeeda, taasoo aan ku xirneyn shidaalka qaaliyoobay, laakiin waxaa dareen kale dadka geliyay in shirkadihii Korontada ee tartanka ka dhaxeeyay ay u heshiiyeen dadweynihii macaamiishooda ahaa xilli aad u adag oo Bishii Ramadaan ay soo dhowdahay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON