Sunday, May 19, 2024

Sheekh Shariif: “Wixii ka dhasha isku dayga Dib u dhigista Doorashada, waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya..”

Madaxwenihii hore ee Dowladda Soomaaliya, ahna Hoggaamiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Mucaaradka ayaa ka digay isku day uu sheegay in lagu doonayo dib u dhigista Doorashada Qaranka.

“Waxaan aad uga xumahay in hoggaanka baarlamanka uu muddo bil ah dib u dhigay hadal-jeedinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ku muddeysneyd 27-ka May. Taallabadaas waxay xadgudub ku tahay Dastuurka KMG iyo Sharciga Doorashada Qaranka ee dhawaan la ansixiyey..” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka hor yimid muddo bil ah oo Guddiga fulinta labada aqal dib u dhigay shalay xilligii la filayey inay Baarlamaanka hortagaan Guddiga Doorashada ee Xaliimo Yarey hoggaamiso.

“Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka. Wixii ka dhasha isku daygaas waxaa masuuliyaddeeda dusha u ridan doona madaxda dowladda” ayuu mar kale yiri Shariif Sheekh Axmed oo ku eedeeyay Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo inay ku fashilantay waajibaadkii loo doortay oo ay ugu horreysay qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON