Sunday, May 19, 2024

Sheekh Shariif oo gaaray Magaalada Jowhar (Qorshaha Madaxtooyada miyuu qeyb ka noqonayaa..?)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ahna hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada mucaaradka ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Socdaalka Shariifka oo ahaa kii ugu horeeyay muddo sanado ah ayaa waxaa Garoonka Jowhar kusoo dhoweeyay Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka SH/Dhexe iyo madax ka tirsan Maamulka Hirshabelle, waxaana safarkani kusoo beegmay iyadoo ay socoto Doorashada maamulka cusub ee Hieshabeelle.

Sheekh Shariif oo kasoo jeeda degaanka, isla markaana Jowhar kasoo bilaabay safarkiisii siyaasadda ayaa xilligan dhexda uga dhacaya Doorasho ay wadato Madaxtooyada Soomaaliya oo ka socoto magaalada Jowhar.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu taageersan yahay qorshaha Villa Somalia ee ah in madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe uu noqdo Madaxweynaha maamulkaasi, balse uu doonayo inuu saameyn ku yeesho xaaladda Doorashada Hirshabeelle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON