Sunday, May 12, 2024

Sarkaal Maxkamad loo soo taagay inuu iibsaday Qoryihii Askarta, kuna galay Qamaar

Maxkamadda ciidamada Qalabkan sida ayaa soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heysto Sarkaal Xiddigle Boolis ah oo loo heysto inuu Qoryo ay leeyihiin ciidamada qaatay kuna ciyaar Qamaar.

Xiddigle Maxamed Tahliil Cabdi ayaa lagu eedeeyay inuu iibsaday laba qori oo AK47 ah oo ay lahaayeen askar ka tirsan ciidanada Booliska Soomaaliyeed, lacagtiii uu ku iibsadayna uu ku ciyaaray ciyaarta la yiraahdo “1XBET” ee Qamaarka ah.

Sarkaalkan ka tirsan ciidamada Booliska ayaa lagu helay xeelad cusub, taasoo u meel-martay, sida uu ka hor qirtay Maxkamadda. Xiddigle Maxamed Tahliil Cabdi oo ah Baare ka tirsan hay’adda dembi baarista ee C.I.D-da ka tirsan ayaa qirtya dembiga loo heysto si uu guul uga gaaro ciyaarta Qamaarak ee Casino oo online ah ee 1XBET.

Ad

“Mudane Garsoore waa jirta qorshaha inaan qaatay, waxaa ku soo haray lacagta aad sheegeysid afarta boqol ee dollar iyo saddexda boqol, labo iyo labaatanka dollar ah, lacagta dhammaan ma wada qabo qaar ayaa ka qabaa lacagtaas,” ayuu yiri Xididg Maxamed Tahliil Cabdi oo maxkamadda ka hor hadlayay.

Guddoomiyaha maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhigan maxkamadeed, iyadoo go’aan laga soo saari doono kiiska eedeysane Xidigle/Booliis Maxamed Tahliil Cabdi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON