Sunday, April 28, 2024

Dowladda Somaliya Shirkad Shiinees ah u kordhisay Heshiis Kalluumeysi oo mugi ku jiray

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis shatio Kalluumeysi u cusbooneysiisay shirkad dalka China ka socota oo hore dowladii hore ay u siisay shatiyo kalluumeysi oo gaaraya 32.

Wasiirka Kalluumeysiga xukuumadda Axmed Aaden ayaa shaaciyay cusbooneysiinta heshiiska ruqsadaha kalluumeysi ee la siinayo shirkadda Shiinaha, kadib kulan dhex maray Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao.

Wuxuu wasiirku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dib u cusbooneysiisay Heshiiskii MOU-da iyadoo la kaashanaysa Shirkadaha iskaashiga kalluumeysiga Shiinaha (COFA), si faa’iido wadaag ah ay Shiinuhu u oggolaadaan in ay la shaqeeyaan dowladda federaalka iyo taageeridda horumarinta waaxda kalluumeysiga.

Ad

Heshiiskan ayaa markii ugu horeysay la saxiixday Bishii Disember 2018 oo xukuumadii R’iisal wasaare Xasan Kherye dalka Shiinaha siisay 32 ruqsadood oo Kalluumeysi, sida uu xiligaas shaaciyay Wasiirki Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda C/llaahi Bidhaan Warsame.

Shirkadda la siiyay ruqsada ayaa lagu magacaabaa COFA, waxaana dhaqaalaha qeybsaday dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada/Gobolka Banaadir.

Heshiisyadan ayaa mugdi ku jiray, iyadoo aan si daa furan loo soo bandhigin, isla markaana laga ansixinay Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dowladii hore ay ku dooday inuu heshiiskan qeyb ka yahay dakhli abuuris laga rabo dowladda oo qeyb ka ah deyn Hanaanka Cafinta.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON