Sunday, May 19, 2024

Real Madrid oo ku guuleysatay Koobka horyaallada Yurub [DAAWO SAWIRRO]

Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleystay Koobka Horyaalada Yurub 2015/16 kadib markii rigoorayaal 5-3 ay uga badisay kooxda ay xafiiltamaan, isku magaaladana kasoo jeedaan ee Atletico Madrid.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-1 barbaro, iyadoo waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray aan waxba lagu kala dhalin, laakiin rigooreyaal markii la isla gaaray ayaa kooxda Atletico Madrid waxaa ka qasaariyay laacibkooda Juan Francisco Torres Belén, taasoo keentay in Cristiano Ronaldo uu xaqiijiyo guusha kooxda ku qaaday Koobka Horyaalada Yurub markii 11-aad, waana kooxda kaliya ee tiro intaas la eg kor u qaaday Koobkan.

Atletico Madrid iyo kooxdiisa oo muujiyay wacdarro ayaa markii labaa fiinaal is keenay horyaalada Yurub muddo 3 sano gudahood ah, laakiin waxay labadii jeerba galeen kaalinta labaad iyadoo deriskooda Real Madrid ay u diiday inay koobkaasi markii ugu horeysay ku guuleystaan.

Ad

DAAWO SAWIRRO

- Advertisement -

Goobjooge.com

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON