Thursday, May 2, 2024

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo laba Xaalad oo Culus ka soo wajahday Mooshinkii Jawaari..? [Xildhibaanno lagu raadinayo…]

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubnaha ugu dhowdhow ee gadaal ka riixaya mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhexda uga dhacay xaalad culus.

Mooshinka Jawaari oo xukuumadda iyo wasiiradeeda ay s idegdeg ah u diyaariyeen si ay uga hortagaan Mooshin ka dhan ahaa xukuumadda oo dhinaca kale la sheegay inuu waday ayaa hadda wajahaya dhibaatooyin aanay kasii baaraan degin oo lama filaan ku noqday.

Kadib khudbadii uu xalay jeediyay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ee uu ku ogoaladay in mooshinkiisa la socodsiiyo ayaa kooxda waday mooshinka Jawaari waxaa ku soo furay laba arrimood oo kala ah:

Ad

1- KOORAM XILKA LOOGA QAADO JAWAARI

Arinta ugu culus ee hortaalla Ra’iisal wasaare iyo kooxdiisa ololaha ugu jira xil ka qaadista Jawaari  ayaa ah sidii ay ku heli lahaayeen tirada xildhibaannada xilka looga qaadi daro Jawaari oo ah 3/2 tirada xildhibaannada ama 184 xildhibaan.

Warar ayaa sheegaya in xildhibaannada ay heystaan kooxda Ra’iisal wasaaraha ay gaareen 130 oo qaarkood cabsi laga qabo inaan qaarkood lagu kalsoonaan karin. Waxaa laga yaabaa in ay helaan tirada xildhibaannadau u ku furmi karo Baarlamaanka, haddiiba ay qaadacaan inay xaadiraan xildhibaannada taageersan Jawaari, waxayna arrintan keentay in lagu degdegi waayo furitaanka shirka Baarlamaanka.

- Advertisement -

Codadka xildhibaannada ayaa qaabka kaliya ee lagu heli karo waxay noqotay dhaqaale, iyadoo dhaqaalaha ku baxaya uu culeys kale ku keenayo mooshikan degdegta loo galay, waxaana howsha ugu weyni ee socota tahay helista xildhbaannada.

2- QAABKA COD QAADISTA

Arrinta labaad ee welwelka ku heysa kooxda wada mooshinka Jawaari ayaa  ah qaabka cod qaadista kalsooni kala noqoshada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ah qarsoodi, taasoo aan la damaanad qaadi karin in dhaqaale kasta oo  lasiiyo xildhibaanka uu codkiisa ku bixinayo dhaqaalaha iyo inkale.

Markii la isku daro labadan xaaladooda ee ay dhex galeen Kheyre iyo xertiisa wuxuu mooshinkii Jawaar isu bedelay dhibaato si looga dhex baxo ay adag tahay oo aan ka dhibaato yareyn doorasho iyo xil ka qaadis madaxweyne, tiiyoo ay u dheer tahay inaan weli la heynin qofkii lagu bedeli lahaa oo isna u baahan dhaqaale iyo olole la mida xaaladihii ay kasoo hadalnay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON