Iyadoo xiisad siyaasadeed oo culus ay ka dhex oogan tahay Baarlamaanka fedeaalka Soomaaliya ayaa qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka ugu baaqeen madaxweyne Farmaajo inuu arrinta soo dhex galo.
Xildhibaanad Sacdiyo Yaasiin oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan xaalada socota iyo dagaalka siyaasadeed ee hareeyay xildhibaannada Baarlamaanka.
“Madaxweynihii aan dooranay ee Farmaajo maalin waliba marka ay wax dhacaan guri ayuu isku soo xiraa oo waa ka aamusaa, waxaan maanta dhacaya ee Xukuumadda keentay ee uusan wali ka hadlin waa in Madaxweynuhu ka hadlaa.” Ayey tiri Xildhibaanad Sacdiyo.
Waxay sheegtay in mas’uuliyadda saaran madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo laga doonayo inuu guto, kana hadlo dhibaatooyinka halista gelinaya hay’adaha dowladda, iyadoo baaq dheer u dirtay ayay kaga dalbatay inuu aamuska ka baxo.
Dhinaca kala Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi, ayaa isaguna sheegay in Madaxweynaha Somaliya laga doonaayo inuu soo farageliyo xilliyada ay taagan yihiin xiisadaha siyaasadeed ee noocaan oo kale ah.
“Hay’addaha marka ay sidaan oo kale isku qabsadaan isaga ayaa laga rabaa si Dastuuri ah inuu u soo galo, si Odaynimo ah inuu u soo galo, Madaxweynoow waad na maqleysaa shaqadaada qabso.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Zakariye.