Xogta laga helayo ayaa sheegaya in dhaqaale lagu sii wado ololaha mooshinka Jawaari uu Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre kala baxay Khasnadda maamulka Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in XasanCali Kheyre ayaa qasnada gobolka Banaadir kala baxay lacag ka badan $1,000,000 (Hal milyan oo doollar), lacagtaas oo la sheegay inay ahayd tii ugu horeysay ee loo adeegsado xildhibaanada mooshinka ka keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.
Guddoomiyaha G/Banaadir iyo xildhibaan Xuseen Iidow ayaa xogtu sheegeysaa in howshan loo xil saaray iyagoo bixinaya kharashka lagu kala hagayo ololaha mooshinka ee ka socda Muqdisho.
Gobolka Banaadir ayaa tan iyo dowladii Xasan Sheekh loo adeegsan jiray in hantida iyo madaxdiisa mooshinno iyo siyaasadaha iska horjeeda markii ay is qabtaan madaxda sare ee dalka.