Sunday, May 19, 2024

Qeybo ka mida Suuqa Bakaaraha oo u xirmay Amar uga yimid Daacish-ta Somaliya

Wararka laga helayo Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qeybo ka mida Ganacsiyada Suuqaasi la xiray, kadib hanjabaad iyo amar uga yimid kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Ganacsiga ay arrintan saameysay waxaa ka mida Bakaarada waaweyn ee suuqa, Bagaashyada iyo Daawada. Arrintan ayaa timid iyadoo Daacish ay mar kale bilowday olole ay dhaqaale uga dooneyso Ganasatada.

Ciidamda doladda ayaa dhinacooda dib u furay oo ganacsatada ku amray inay furaan goobahooda, iyadoo inta badna ganacsiyadii saaka la xiray dib loo furay, waxaase weli taagan xaaladda arrintan ka dhalatay.

Ad

Tallaabadan ayaa markii ugu horeysay dhacday Bishii Janaayo ee sanadkan 2022, xilligaas oo ciidamada Amniga ay si awood ah ku fureen goobihii ganacsi ee la xiray, iyadoo aan xal loo helin halista amni ee Daacish.

Daacish ayaa qaraxyo iyo weerarro ku beegsaday Ganacsatada iyo shirkadaha diiday inay dhaqaale lagu soo rogay bixiyaan, waxaana la ogyahay in Ganacstada ay lacago canshuur ah siiyaan Alshabaab iyo dowladda Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON