Sunday, May 19, 2024

Qarax lagu dilay Guddoomiye ku xigeen Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir iyo Alshabab..

Waxaa Qarax loogu xiray Gaarigiisa lagu dilay Guddoomiye ku xigeen degmo ka tirsan Gobolka Banaadir, ee caasimadda Muqdisho, sida uu xaqiijiyey maamulka degmada Yaaqahiid.

Qaraxa oo dhacay xalay xilli dambe ayaa Gaarigiisa loogu xiray Guddoomiye ku xigeenkii siyaasadda ee Maamulka degmada yaaqshiid, Macallin Xuseen (filla-wayne) oo xilliga qaraxa dhcay ku sugnaa aafada Buulo Maaxaay ee degmada Kaaraan.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiillow ayaa xaqiijiyay Geeida Guddoomiye ku-xigeenkii Siyaasadda degmada Yaaqshiid, isagoo sheegay in uu u dhintay dhaawac culus o qaraxa kasoo gaaray.

Ad

Wararka ayaasheegaya inay qaraxa ku dhaawacmeen qaar ka mida ilaaladii la socotay, waxaana qaraxa lagu eedeeyay Alshabaab oo inta badan geysata qaraxyada ka dhaca caasimadda iy Gobollada dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaan wax War ah kasoo saarin qaraxa lagu dilay mid ka mida Guddoomiye ku xigeennada degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka tirsan mas’uuliyiinta Gobolka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON