Sunday, May 19, 2024

Qaar ka mida ciidamada Milateriga oo ka baxay Difaacyadii ay uga jireen Sh/Hoose [Akhri sababta]

Wararka laga helayo Gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in qaar ka mida ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya ay ka baxeen difaacyadii ay uga jireen Gobolka Sh/hoose.

Ciidamadan oo ah kuwa xoogga dalka ayaa ka tirsan Guutrada 12-ka April, waxayna wararku sheegayaan inay isaga baxeen Degaanka Dhanaane iyo wadadda Xeebta ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo Marko, iyadoo magaalada Muqdisho u jiheysatay.

Ciidamadan ayaa in muddo ah ka cabanayamushaar la’aan muddo dhowr bilood ah oo wajahday, ioyadoo aan waxba laga qaban cabashadooda, taasoo keentay inay isaga baxaan aaggii ay difaaca uga jireen markii mushaar la’aantii ay ugu darsantay Saad la’aan.

Ad

Degaanada ay ciidamada ka baxeen ayey Alshabaab ku dileen saraakiil badan oo ka tirsan ciidamada milateriga kuwaasoo uu ka mid ahaa taliyihii guurada Cumar Dheere, iyadoo xaalad amni oo adag ay halkaasi ka imaan karto.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ku doodeysa in 90% ciidamada Milateriga la siiyey mushaarkooda, iyadoo inta harsan lagu wado tirakoob iyo hubin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON