Saturday, May 18, 2024

Puntland oo shaacisay heshiis ay la gashay Shirkad dhisme Shiinees ah oo shidaal ka sahmineysa degaanadeeda

Golaha wasiirada Maamul goboleedka Puntland ayaa ansixiyay heshiis la sheegay inuu madaxweynaha maamulkaasi C/weli Maxamed Cali (Gaas)

magaaladda Adis-ababa kula soo galay shirkadda dhismaha ee Shiineeska ah China Civil Engineering Construction Corporation(CCECC).

Heshiiska ayaa wwaxaa ka mida dhismaha Waddo laami ah oo isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Eyl iyo waliba dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacayo.

Ad

War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Golaha wasiiradda Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland ay heshiis la gashay shirkadda CCECC heshiis sahmin dhanka shidaal laga sameynayo degaanada Puntland, iyadoo shirkaddu xafiisyo ku yeelaneyso Puntland.

Shirkadda CCECC oo dhistay Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, ayaan ahayn shirkad shidaal baaris, iyadoo aan la ogeyn qaabka ay shidaal u baari doonto iyo inayu qandaraasyo kale siin doono shirkado Shiinees ah oo la mida.

- Advertisement -

Ma cadda heshiiskan cidda maalgelin doonta, waxaan sidoo kale caddeyn kaalinta ay dowladda Itoobiya ku leedahay oo hore madaxweyne Gaas u sheegay inay hirgelineyso mashariicdan.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON