Sunday, May 19, 2024

NISA oo shaacisay in la bedelay Amiirka Alshabaab iyo awoodii oo lagu wareejiyey hoggaamiye cusub…

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay in Amiirkii Alshabaab Axmed Cumar (Abuu cubeyda) uu caafimaad darro darteed awoodii ku wareejiyay hoggaamiye cusub.

“Qoraal ay NISA soo dirtay aya lagu yiri: “Sababo caafimaad awgeed, ayaa awoodii horjoogaha Maafiyada AS si KMG ah loogu wareejiyey abukar Aden, oo ah ku xigeenkiisa, waxaana loolan culus ka dhaxeeyaa garabka Mahad Karateey & garabka Diiriye oo ku hardamaya sidii loo magacaabi lahaa horjooge cusub..”

NISA ayaa hore u shaacisay khilaaf u dhaxeeya hoggaanka Alshabaab, iyadoo sheegtay Amiirka Alshabaab Axmed Diiriye uu si toos ah ula wareegay Amniyaatka (Qaraxyada) G-Banaadir, markii horjoogayaasha uu ka mid yahay Maha Karate ay diideen qaraxyada laga fuliyo magaalada Muqdisho.

Ad

Wararka NISA ka faafiso Alshabaab oo aan wax caddeyn ah lo helin ayaa muddooyinkii danbe hogaanka NISA bilaabay inuu ku baahiyo baraha bulshada, waxaana si weyn hore loogu eedeeyay arrintan, laguna tilmaamay inay xayeysiin u sameynayso qeyb ka mida Ashabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON