Saturday, May 18, 2024

Ninkii ka danbeeyay weerarkii magaalada Barcelona oo adeegsaday xeelad yaab leh [Sawirro]

Booliska dalka Spain ee magaalada Barcelona shaacisay shaqsigii ka danbeeyay weerarkii dhiigga badan ku daatay  ee loo adeegsaday Baabuur weyn oo la dardarsiiyay dad fara badan oo goob dalxiis ku sugnaa.

Ninka ka danbeeyay falkan ayaa magaciisa lagu sheegay Mussa Oukabir, waana wiil yar oo 18 sano jir ah, laakiin wuxuu sameeyay arrin jahawareer ku noqotay booliska dalkaasi markii uu adeegsaday magaca walaalkiis ka weyn oo lagu magacaabo Idiris Oukabir oo 28 sano jir ah oo loo heystay inuu geystay weerarka.

Mussa oo kasoo jeeda dalka Maroko ayaa kireysay gaariga uu weerarka ku geystay, wuxuuna ku dilay 14 qof iyadoo 100 kale uu ku dhaawacay. Weerarka waxaa sheegtay ururka Daacish. Wiilkan ayaa iminka la la’ yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay, waxaana laga raadinayaa dalka Spain iyo dalalka ku dhow.

Ad

Booliska Spain ayaa saaka ogaaday ninka falkan geystay aanu ahayn idiris ee uu yahay wallaalkii ka yar oo isagu adeegsaday shaqsiyadda wallaalkii, waxaana idiris oo falkan loo heystay uu noqday in isaguba dhibane ah oo lagu been abuurtay.

Mussa Oukabir -Ninkii ka dambeeyay weerarkii Barcelona
Mussa Oukabir -Ninkii ka dambeeyay weerarkii Barcelona

 

Muusa Akaabiir wiilka geystay weerarkii Barcelona
Idris Akabiir ninka la dhashay ee loo maleeyay inuu geystay weerarkii Barcelona

- Advertisement -

Wakaalado

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON