Saturday, May 18, 2024

Ninkii geystay weerarkii Barcelona oo baxsad ah iyo Booliska Spain jahawareer heysto [Sawirro]

Booliska dalka Spain ayaa sheegay in qofka looga shakisan yahay inuu qaaday weerrarkii Barcelona uu weli baxsaday yahay ayna baadi goobayaan.

Ninkan ayay markii saddexaad ku magacaabeen in la yiraahdo Yoonis Abuu Yacquub, kaas oo ay haatan rumaysan yihiin inuu yahay qofka habeenkii Khamiistii gaariga dadka faraha badan ku jiirsiiyay xaafadda Las Ramblas ee magaalada Barcelona.

Weerrarka Khamiistii ayaa lagu gaystay gaari nooca Fiat-ka ah oo la jiirsiiyay dad marayay hareeraha waddooyinka xaafadda Ramblas, iyadoo halkaana ay ku dhinteen 13 qof tobannaan kalana ay ku dhaawacmeen.

Ad

Booliska ayaa markii hore sheegay in nin lagu magacaabay Muusa Awkabir uu ka dambeeyay weerarkii gaariga lagu jiirsiiyay dadka. Iyadoo markaas ka horna ay sheegeen inuu ka dambeeyay nin kale oo lagu magacaabo Idiris Awkabir.

Booliska ayaa hadda la ogaaday in Muusa uu ka mid ahaa shantii nin ee ay boolisku ku dileen deegaanka loo dalxiis tago ee Cambrils. Laamaha ammaanka ayaa hadda ku daba jira laba qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka mid ahaayeen kooxda weerarkaasi soo maleegtay.

59 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa weli ku jira cisbitaallada, 15 ka mid ahna waxaa laga dayrinayaa xaaladooda. Todobo ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaasi ayaa la sheegay inay kala yihiin 5 Spain u dhalatay, mid Talyaani ah iyo mid Bortaqiis ah.

- Advertisement -

Booliska ayaa sheegay in ragga weerarkan fuliyay ay qorshaynayeen weerarro ballaaran oo geysta khasaaro intaa ka badan.

Yoonis Abuu Yacquub, [Ninka hadda loo heysto weerarkii Barcelona]
Muusa Awkabir ayaa la sheegay inuu ahaa 17 jir u dhashay Spain, kana soo jeeda magaalada Girona, halka tuhunsanayaasha kalena ay u badnaayeen muwaadhiniin Morocco u dhashay.

Mussa Awkabir [Wiilka hore loogu eedeeyay weerarka oo la dilay]
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON